Mabda’a iyo Mawqifku waa ma guuraan
Sunday, 25 January 2009 04:11

 Dufaan Editorial

Halganka shacabka Ogadenya uu ugu jiro aaya ka talintiisa wuxuu soo socday in ka badan qarni iyo badh,halgankaas oo ay ku baxeen naf ,maal ,maskax ,muruq laguna waayay halyeeyo badan oo qaali ahaa.

Si looga mira dhaliyo hadafkaas waxay umaddu wada qaadatay mabaadii cad oo qeexan kuwaas oo ku salaysan la dagaalanka cadawga,cadaw kalkaalka ,iyo cid kasta oo isku dayda in ay carqaladayso ama mugdi geliso mustaqbalka iyo aayaha umadda ,ayadoo ka duulaysa hal kudhigeeda ah  Midnimo, Mintid iyo Isku tashi.

Halgankan ay umaddu ku jirto waxaa mar walba ka hor imanaya dibindaabyo iyo iskudayo siloon oo uu cadawgu soo maleego asagoo  inta badan u adeegsada  kuwo u nasab sheegta qadiyadda.

 

Dabinadaas oo uu cadawgu soo qoolay waxay noqdeen kuwo reebay raad cad oo ma guurto ah ,waxaana dhamaan caqabadahaas looga soo gudbay kuwa soo socdana looga gudbi doonaa ku adkaanta mabaadii'da iyo ku socoshada jidka cad ee xaqa ah ayadoo aan loo nuglaan dhacdooyinka ku yimaada geedi socodka nolosha.

 

Qoraalkeena maanta waxaan ku soo qaadanaynaa geeridi Allaha u naxariistee Dr Maxamed Siraad Doolaal iyo waxyaabaha ka dhashay

Waxaa ayaamahan hadheeyey websiteyada reer ogaadenya ha ahaadaano kuwa dabaqoodhiga ama kuwa halganka taageersanba sida Xaajo.com,Dhanaan.com,Qorahay.com ,Ogadenonline iyo Ogadennet, qoraalladaas oo aad moodayso in hal meel laga soo wada guuriyey.

Waxaana dhamaantood ku xusnaa in uu Dr Doolaal ahaa halyey waddani ah iyo shaqsi qaali ah oo umadda ogaadenya ka xijaabtay, haddaba anagoon marnaba jeclaysanayn in aan marxuum dhintay ku mashquulno ka hadalkiisa ayaa haddana waxaa lagama maarmaan ah in meelaha mugdigu ku jiro la iftiimiyo si shacabku u ogaado xaqiiqda dhabta ah.

 

Haddii aan taariikhda dib ugu laabano waxaa jiray 2006 dii rag dhowr ah oo uu Dr Doolaal guddoomiye u ahaa ayna ka mid yihiin Eng.Salaahdin Macoow,Cabdi Sayid ,Cabdi Cadood Geelle,C/weli X. Gaas iyo qaar kale oo la baxay Golaha sare ee JWXO iyo Suldaan Yuusuf Taani oo horey isugu dhiibay gumeysiga raggaas oo si cad ooga horyimid mabaadii’di ummaddu ku midaysnayd , dhacay hantidi umadda, abuurayna tafaraaruqyo isugu jira qabiil iyo qurun, raggaas oo dhamaantood la isku raacay in ay noqdeen  khaa’imiin  ka baxay dhaarti ay la galeen walaalahood,  jabhadiina laga saaray.

 

Haddaba haddii raggaas aan soo sheegnay guddoomiyahoodi lagu tilmaamay halyey qaali ah iyo waddani sidee kuwooda nool khaa’imiin loo odhan karaa ??

Su'aashaas jawaabteeda waxaan u deynaynaa Ogaden Online iyo Qorahay.com ileen Xaajo.com iyo Dhanaan.com mawqifkoodi kama aanay tanaasuline.

Waxaa isweydiin leh Allaha u naxariistee Dr Doolaal ma wuxuu dhintay 2006 dii ? maxay Qorahay.com u soo qori weyday 2006 ilaa iyo maanta taariikhdiisi ??

Waxaa wanaagsan in aan taariikhda been laga sheegin oo samaan iyo xumaan wixi halganka loo geystay la qoro ama laga wada aamuso,waxaa xaqiiqo ah in kuwooda nool iyo kuwii geeriyoodayba wanaag iyo xumaan waxay galeen la ogyahay taariikhduna tahay ma guurto.

Si kastaba ha ahaatee waxaa nasiib wanaag ah in qurba joogta caadifadda iyo salfudaydka saxiibka u ah ee reer ogaadenya oo afkooda laga helo amaan iyo cay wada socda iyo araaho had iyo jeer isburinaya talada halganku aanay ka go’in , ee xaqa ay difaacayaan gabdhaha iyo wiilasha naftood hurayaasha ah ee furinta hore ku jira gaadhsiiyeyna halganka heerka uu maanta marayo.

Gabagabadi waxaan idin xusuusinaynaa in mawqifku iyo mabda’u yihiin ma guuraan ku qotoma xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Ogaadenya,wixi intaas ka soo hadha waa khayaali iyo gebi dhaclayn.

Dufaan/Editorial