Duulaanka saxaafaddu waa qayb ka mid ah tabaha gumaysiga
Tuesday, 17 March 2009 16:21
Saxaafada xorta ah waxaa lagu tiriyaa inay tahay awoodda afraad ee qaab dhismeedka dawlada, waana awoodda kaliya ee dadkoo dhami ay u siman yihiin, marka la mariyo dariiqeeda xaqa ah.

 

Sidaas darteed saxaafada xorta ahi waxay ku indha-la’dahay runta oo kaliya, waxayna had iyo goore baadi goobtaa xaqiiqda, suxufiyiintuna waxay u kala wanaagsan yihiin marba sida ay ugu kala jajaban yihiin raadcada iyo soo helidda xaqiiqda maqan.

 

Saxaafada xorta ahi ma laha dano qarsoon (aan warbaahin ahayn) oo u gaar ah hay’adda warbaahineed ee saxaafadaas abuurtay ama dalka ay hay’addu ku abtirsato, haddiise ay danaha noocaas ahi jiraan waxay wiiqaan tayadii saxaafada, waxayna kala dhantaalaan kalsoonidii ay dadwaynuhu ku qabeen xogaha ay saxaafadaasi xanbaarsan tahay.

 

Saxaafada xorta ah waxay waajibkeeda si fiican u gudan kartaa marka ay hesho duruufo u saamaxaya inay si xor ah u shaqayso, oon laga carsha-carshaynin dadaalka ay xaqiiqo raadinta u galayso ama aan laga hor-joogsanin hilinnada ay u marayso soo helidda xaqiiqda.

 

Saxaafada ka hawlgasha – haddayba jirto - dalalka dunida seddexaad waxaa inta badan lagu dhalliilaa inayna xor ahayn, sababtoo ah waxaa gacanta ku haya oo jiheeya xukuumadaha dalalkaas ka jira, sidaas darteed waxay baahiyaan oo kaliya xogaha ay xukuumaduhu doonayaan inay gaadhsiiyaan dadkooda ama dunida inteeda kale, balse awood uma laha inay dhinaca kale xukuumadaha gaadhsiiyaan farriimaha ama afkaaraha ay dadwaynuhu doonayaan in la gaadhsiiyo xukuumadohooda.

 

Sidaas darteed markay saxaafada reer galbeedku soo xiganayso xog laga sheegay mid ka mid ah qalabka warbaahinta ee dalalka dunida seddexaad waxay muujisaa in xogtaas laga soo xigtay ”raadyow ama tilifishin ay xukuumadu maamusho”, taasoo macneheedu yahay inaan xogtaas si wayn loogu kalsoonaan karin, maadaama suxufiga soo diyaariyay aanuu u madaxbannaanayn daah ka rogidda xaqiiqada, isla markaana aanuu awood u lahayn inuu raaco qaabka dhalliil saxaafadeedka oo loo adeegsado turxaan bixinta xaqiiqda.

 

In kastoo dhalliilahaasi ay inta badan yihiin kuwo xaq ku qotoma, haddana waxaa jira hay’ado warbaahineed oo beryahan denbe ku shaqeeya nidaam qarsoon oo ka duwan midka uu xanbaarsan yahay , kuwaasoo tilmaamihii saxaafada xorta ah ka min-guuriyay, isla markaana awood u yeeshay inay saami fiican ka qaataan dacaayada ay ku jahwareerinayaan dadyowga adeegsada qalabka warbaahinta.

 xukuumadaha kali taliska ah sida xukuumada gumaysiga Itoobiya iyadoo adeegsanaysa nidaamkeeda guunka ahaa ee indha saabka ku dhisnaa ayay waxay abuurtey si ay ra’yiga shacabka dulman u jahawareeriso warbaahino ama shabakado ku shaqeeya mabaa’diideeda gumaysi 

Hay’adahaas waxaa ka mid ah shabakadaha (Xaajo,Dhanaan) iyo kuwa la halmaala ee sida dadban oogu shaqeeya cadawga si loo jahawareeriyo ra’yiga bulshada taas oo ah wadiiqooyinka uu gumaysigu u soo maro shacbiga uu gumaysanyo.

 

ka hor intii aysan fashilmin shabakadaha danaha gumaysiga sida qarsoon oogu shaqeeya ayaa waxaa inta badan milkiilaha shabakadaha Casoowe c/nuur uu isku qarin jirey inuu yahay nin dhex dhexaad ah isuna haysta inaan la ogaan karin taas oo ku keentey in isaga iyo walaalkii Axmed wareerey ay iminka ku sifoobaan niman banaanka yaala waxaana ku cadaatey maah maahdii soomaaliyeed ee ahay anigu ku sheegi maayee yaysan shantu ku sheegin.

 

sida caadiga ah marka uu qofku ceeboobo ama ku fashilmo hawlgalkii laguu ogaa waxaa soo baxda isagoo qiiq isku qaris ah inuu ku calaacalo waxaan ahay dhex-dhexaad ama mucaaradna ma ahi muxaafidna ma ahi taas laftigeeda hadaad isla qeexno waxaa muuqata saxaafadu ma tahay mid salka ku hayso meel ay ka soo biyo dhaansato.

 

 marhadaan og nahay in milkiilaha shabakada uu yahay xubin ka tirsan (Al-Itixaad)urur horey u bur burey hadana uu sheeganayo inuu dhex dhexaad yahay waa su’aal jawaabteeda iyaga ilma C/nuur ah looga fadhiyo waxaase lee nahay bal dhinac isugu xiirta dhamaan isgaashaan buureysiga kooxda bukaan socod iyo kooxda xin qooqaba waxay shacbiga S/Ogaadeenya idin lee yihiin ninka dameerka watoow warkaa waa kaa soo horeeyey.

 

si kastaba ha ahaatee waxaa maanta iska cad in shacbi waynaha S/Ogaadeenya meel kasta oo uu joogo ka dharagsan yahay cida cadawga u ah iyo cida wehelka u ah una istaagtey inay xaqooqada soo dhiciyaan maanta wax kasta waa taariikh qoran .

Dufaan/Editorial  
Last Updated on Monday, 26 October 2009 05:20