Ceelka Iyo Maamulka Kismaayo
Written by administrator   
Tuesday, 30 June 2009 09:10
 Waxaa isa soo taraya wararka sheegayo in beel deegaan doon ah oo ka soo haajirtay gobolado Gedo rabto in ceel biyood ka qotaan deegaanka Absame ee Jubooyinka. Ujeedada dhabta ah ee arintan ka danbeeysa ayaa ah go’aan beeshaas ku gaareen in eey ku xidideeystaan isla markaana goor dhow ku andacoodaan in dad deegaanka ah yihiin. Inta aanan arinta guda galin bal an yara taabto dhibaatada soo martay dadka iyo deegaanka Absame laga soo bilaabo intii aan caqliyeestay ilaa iyo hada. .  

 Beesha Absame ama hadii aan hoos u dhaadhaco beesha Ogaadeen ayaa iyagu lagu yaqaanaa ilaa iyo hada in iyagoo wada dhan aayan u duulaan tagin la dagaalanka beel kale oo Soomaaliyeed gar iyo gardaraba. Halka beelaha Soomaaliyeed intooda badan dhaqan ka dhigteen in iyagoo wada jira is la markaana ka soo baaraan dagay si waliba xaqdara ah u duulaan tagaan beel kale. Beehsa Absame shisheeyaha ayeey la dagaalamaan waana dad maslaxada Soomaalinimo ku weeyn tahay halka Soomaalida kale badankooduna u duulaan tagaan la dagaalanka beesha Absame. Dagaalada Beesha Absame hogaamiyaan lana galaan shisheeyaha guulo ayeey ka keenaan waxaase jabiya qasaarana gaarsiiya meelaha Soomaaliyeed ee ayagu la safta shisheeyaha. Tusaale : dagaaladii xaqa ahaa ee Sayid Maxamed la galay gaalada, waxaa gaaladii u hiiliyay oo jabiyay Sayidka beelaha waqooyiga daga. Natiijaduna waxey noqotay in dhulka Ogaden ee beeshu u badan tahay gumeeysiga itoobiya lagu wareejiyo. Burburkii Soomaaliya ee 1990kii ka dib beeshu weey ka fara laabatay ka qeeyb galka dagaalka qabiiliga. Natiijadu waxey noqotay in deegaankooda si xaq dara ah u maamushaan dad la heeyb ah Absamaha iyogoo xulufeeysanaya qabaa’ilo kale. Beesha Majeerteen heeysashadeeda Kismaayo waxey ku dhisneed xulufo ka dhan ah Absamaha oo eey la galeen beelaha qaarkiis, Mareexaan, Dhulbahante, Leelkase iyo wixii soo raaca.   Kokii Majeerteen geeska galiyay beesha Mareexeen, qolodan danbe waxey ka baxeen ceerkalkii Daaroodka iyagoo soo watay HabarGidir iyo Raxanweeyn. Inta aay waxanu dhacayeey wax walwal ah oo beelahani ka hayay walaaltinimada soomaaliyeed ama Daarood ma aanay jirin.  Markii amxaarada wadanka ku soo duushay Absame wuxuu hogaanka u qabtay dagaaladii ba’naa ee lagu saarayay cadowga. Dowlad ku sheegtii meesha ka dhalatay wax awooda kuma laha Absamihii qeeybta weeyn ka qaatay ceeyrinta cadowga. Dowladii ka soo baxday ee Sharifka waxey beeshan amaal marin ugaga dhigtay in deegaankooda dhinaca bada Kenya loo saxiixo. Lugooye kale oo beeshan ku dhacday dheh.

 Wadaadada Ogaadeenka, ri isnuugtay:

 Xoogii beesha Absame wuxuu u batay in uu taageero islaanimada oo ah arin waajib ah waxeeyse dayaceen dantii umadooda horseedna ka yihiin fulinta dhibaato walba oo dadka iyo deegaanka ka soo jeedaan lagu waxyeeleenayo. SH Turki maamulkii Kismaayo u dhiibay wuxuu ku sheegay dad ahlu kheyr ku meel gaadhna ah, wuxuu sheegayay waxaa beeniyay kuwuu ahlu kheyrka ku tilmaayay oo ilaa iyo hada uu badali la yahay maamulkii uu lahaa waa ku meel gaadh, maxaa u diiday Sh Turki in dadka deeganka xaqoodo siiyo halka dadkani si badheedha ah ugu taagan yihiin fulinta mu’aamirad ka dhan ah dadka deegaank. Ragani oo ka soo kala jeeda deegaanada kale ee soomaaliya ayaan u ogoleen in deegaanadooda cid aan danta deegaanka wadin ka taliyaan is la markaana ka wada Kismaayo in aay kiciyaan beelaha kale ee aan Absamaha ahayn, is ku daygii dilkii Sh Axmed is na wuxuu muujinayaa in meesha ka saarayaan cid walbooy u arkaan kuwa danta deegaanka wada. Halka kuwa Ogaadeenka sheegta horseedka ka yihiin leeynta iyo dayaca deegaankooda eryida odoyaasha dhaqanka. Kuwa Kismaayo jooga waxeey dad badan ku laayeen hebel baad la hadashay, halka Mansuur uu sii daayay kuwii 20 kii sano ugu danbeeyay xabashida u adeegayay diidayna in deegaanka Baay aayan ka talin waxaan dadka deegaanka ahayn. Waxaan Absamaha ahayn oo aay ka mid yihiin kuwan Turki hoosta ku heeysto waxeey sugayaan is badal awooda soomaaliya ku yimaada si eey dhinac u maraan isla markaana sii wadaan dhulbalaarsigii iyo hoos galinta Absame ku sheega oo aay arintani iyagu masuulka ka yihiin. Arinta qodista ceelka ayaa iyadana muujineeysa damaca beeshaa in deegaankaa la wareegto, arintani in eey fusho waxaa horkacaya wadaado Ogaadeen ah. Tolow maxaa ku qasbaya in beel boob wada qof wadaad sheeganaya uu hor kaco ma cida dhulkeeda la boobayo ayaan muslim ahayn mise wadaadada Ogaadeenka ayaa diin u yaqaan u nacamleeynta beelaha kale xitaa hadii eey wataan qorshayaasha islaanimada ka baxsan oo ah u hanqaltaagida iyo kula dagaalanka beel kaloo muslim ah deegaankeeda. Mise beeshaa ayaan lahayn deegaan u baahan in ceel laga qodo. 

Gabagabadii wadaadada Ogaadeenka waxeey nijay jabiyeen beesha oo idil horseedna ka noqdeen mustaqbal xumo dadka iyo deegaanka ku soo fool leh, waxaa la gudboon in eey ka haraan daba socodka kuwa iyagu islaanimada ugu soo gabada fulinta danahooda gaarka iyo kooda qabiil oo eey gartaan ka shaqeeynta kolka hore danta dadkooda iyo deegaankooda inta aanay muslin kale gargaarin tan ayaa ah shuruud diini ah is la markaana ka hor tagaan kuwa duulanka ku ah har iyo habeen deegaanka beesha. Hadii wadaadadan wax waji ah laga waayo waa in dadka deegaanka is abuubulaan is la markaana cagta mariyaan damaca ceel qodista qiimo walbo oo aay ku qaadato.

 

 

FG:Qoraalkani waa Mid u gaar ah shaqsiga sooqorey :

 AsadaC/salaam This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it       

Last Updated on Monday, 26 October 2009 05:20