GURYO KALE
| BADA LA BIXIYAY,SH SHARIIF &C/RAXMAAN C/SHAKUUR |
| Written by administrator |
| Sunday, 05 July 2009 02:23 |
|
Mudane madaxweyne, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah wasiir ka tirsan dowladaada wuxuu Kenya u saxiixay 07dii April ee sanadkan heshiis qoraal ah oo eey Kenya soo diyaarsatay, kaas oo Kenya u ogolaanaya in eey hesho biyaha bada Soomaaliyeed in ka badan 800 km2. marnaba dowlad Islaami ah iyo hogaamiye Islaami ah sidaadoo kale lagama fileyn in eey hadiyad iyadoo wax khasbaya aanay jirin u bixiyaan biyo dad muslim ah leeyihiin. Jawaabaha adiga iyo xubno ka tirsan doowladaadu ka bixiyeen arintan ma aha wax sax ah ama run ah, waxaana beeninaya halka arintu mareeyso. 13kii bishan May 2009, Kenya waxey Qaramada Midoobay u gudbisay heshiiskii la idanka saxiixday ee Kenya u fasaxayay in eey gudbisato cabir inta eey doonto iyadoo wax diidmo ah dhinaciina ka iman. Kooxdiina hada ku magacaaban hogaanka Soomaaliya uguma horeeysaan kuwa ku takri fala dadka iyo dalka Soomaaliya waxoogaa dollar ahna dhaafsada jiritaanka deegaanka Soomaaliyeed. Gabood falkan aad sameeyseen waa mid aduunyada ka sokoow maalinta khiyaamaha eeydaan jawaab u heli doonin kuna muteeysan doontaan cadaabka Alle. Arintan waxeey hada mareeysaa in sadex bil ka dib Qaramada Midoobay u sharciyeen doonaan Kenya bada Soomaaliyeed ee aay rabto in eey xeendaabato. Tan micnaheedu wuxuu yahay in Sh Shariifoow adiga iyo inta arintan fulisay heeysataan fursad aad ku diidi kartaan heshiiskii la idanka saxiixday kagana badbaadi kartaan in aad qaadaan danbiga bad iyo biyo umad Islaam ah ku siineeysaan cadow shisheeye. Dowladiinu waa dowlad dib u heshiisiineed lana filayay aslaaxinta gudaha in aad wax ka qabataan. Heshiis walboo lagalayo waa in uu ahaadaa mid dowlada dhamaan iyo baarlamaanka soo ansixiyeen. Sixiixan gacantiina laga helay intaa oo wado dowladnimo midna ma uusan soo marin, waxaadna is ku deydeen in aan la ogaan. Mudane Sh Shariif, C/rashiid Cali Sharmaake iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah ninka arintan u wakiilateen Kenyana danaheeda u fuliyay waxaan sida uga dhaqsaha badan kaaga fadhinaa in: 1)Aad warqad kaga noqoneeysaan heshiiskii 07dii April 2009 qortaan una dirtaan heeyada Qaramada Midoobay eek u hoowlan xadeeynta xuduudaha bada, midan ayaa keeni karta in Kenya sheegashadeeda halkaa ku danto. 2) raali galin buuxda siisaan shacabka Soomaaliyeed ee aad xuquuqdooda u wareejiseen wadan cadow ah oo umad Soomaaliyeed gumeeysta. 3) inta aad madaxda dowlada Soomaaliyeed ku magacaabin tihiin waa in aad ka dheeraataan waxyeeleenta dadka iyo dadka Soomaaliyeed meel walboow joogaan Asad C/salaam This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |
| Last Updated on Monday, 26 October 2009 05:20 |
Wargelin Muhiin ah
-
Kasoo qayb gal mudaharaadka 17-18.12.2008
WRITTEN_BY
administrator
Mudaharaad ka dhicidoona Copenhagen
Read more...
Daawo DufaanTV
