GURYO KALE
| Jig-Jiga:Dhalinyaro Ardey ah oo Xabsiga Lagu Jidh Diley |
| Written by dhamac |
| Wednesday, 30 December 2009 07:40 |
| Dhalinyarada laqabqabtay ayaa waxaa naloogu sheegay tiradooda inay dhan yihiin 56 arday oo isugu jira heer jaamacadeed iyo heer dugsi-sare. Waxay wararku intaas ku darayaan in ardaydaas si xun loo jidhdilay jeelasha oo lagu qasabay in lagaga sheegsiiyo inay yihiin xubno ama taageerayaal JWXO. Waxay noo sheegeen dadkii noo waramay in intoodii qiratay loo ogolaaday inay eheladoodii soo booqdaan meesha intii kale een waxba qiranin wali jidhdilkii lagu wado iyadoo ehelkoodiina loo diiday inay arkaan ama wax cunto ah u geeyaan. Sababta loo soo ururiyay ardaydan ee loogu qasbayo inay qirtaan wax aanay ahayn ayaa sabab looga dhigayaa fashilaada haysata kooxda Ina Ilay iyo saraakiisha cadawga ee Jigjiga fadhigoodu yahay ka dib markay ku guuldareysteen dagaaladii ugu dambeeyay ee jabhadda ay ku soo qaaday xarumaha cadawga. Intaas waxay wararku ku darayaan in baryahan dambe cadawgu uu bartilmaameed ka dhigtay dhalinyarada oodhanba gaar ahaan ardayda iskuulada wax ka barata. waxaa aad looga walbahaarsan yahay in dhalinyarada oo qaarkood la la’yahay ay u dhinteen jidhdilkii lagu sameeyay. Warar hoose ayaana sheegayaa inay intoodii badnayd ay ku xidhan yihiin jeelka qarsoodiga ah oo cadawgu ugu tala galay in shacabka aan waxba galabsan lagu ciqaabo. Jeelkaasoo ay gacanta ku hayaan kooxda loo yaqaano Ha-waarin ee Liyuu Boliska. Wixii ka soo kordha xaaladda ardayda xidhan waan idinla soo socodsiin doonaa. Xigasho:ONA. |
Wargelin Muhiin ah
-
Kasoo qayb gal mudaharaadka 17-18.12.2008
WRITTEN_BY
administrator
Mudaharaad ka dhicidoona Copenhagen
Read more...
Daawo DufaanTV
