GURYO KALE
| Dad badan oo Dhuxun Lagu Raafey |
| Written by dhamac |
| Thursday, 31 December 2009 07:01 |
| Wararka naga soo gaadhaya Degmada Dhuxun ayaa sheegaya in Ciidamada Wayaanuhu qafaasheen dad tiradooda lagu sheegay in ka badan tahay 100 qof. Dadkaas ayaa sida lagu soo waramayo lagu xareeyey xero ciidan. Wariyaheena aaga Dhuxun ayaa sheegaya in 10 ka mid ah dadkaas la qafaaley oo hubeysan ay u soo galeen Cidamada JWXO. Sida warku sheegayo dadkan ayaa la hubeeyey, waxaana la qiysaayaa in la doonayo in si qasab ah looga hor geeyo Ciidamada Xoreynta Ogadeniya ama loo qaadi doono Gobolada kale ee Itoobiya si looga hor geeyo Jabhada ku kacsan Xukumada Itoobiya. Warku wuxuu intaas ku darayaa in guud ahaan Itoobiya uu ka socdo qafaal, kaas oo inta badan Ardeyda iskuulada lagu ugaadhsanayo. Sourse:Ogaden.com |
| Last Updated on Thursday, 31 December 2009 07:03 |
Wargelin Muhiin ah
-
Kasoo qayb gal mudaharaadka 17-18.12.2008
WRITTEN_BY
administrator
Mudaharaad ka dhicidoona Copenhagen
Read more...
Daawo DufaanTV
