GURYO KALE
| Dagaalo ka dhacey Ogadenya |
| Written by dhamac |
| Wednesday, 27 January 2010 10:49 |
| 18 goob oo ciidamada gumaysiga lagu weeraray 12 maalmood gudahood Wariyayaasha goobta ayaa noo soo gudbiyay warbixino ku saabsan dagaaladii is-daba jooga ahaa ee CWXO ay la beegsanayeen maxaysata uu gumaysiga ku soo ururiyay dalka Ogadenya. Dagaalada aan helnay warbixintooda oo gaaraya 18 fal ciidan ayaa ka kala dhacay meela kala duwan oo dalka ka mid ah laga bilaabo 11-1-2009 ilaa 23-1-2009, iyadoo cadawga loogu gaystay dagaaladaa khasaare laxaad leh oo isgu jira dhimasho iyo dhaawac farabadan. 1. 11/1/10 Dh/Madow oo G/Jarar ah waxay CWXO mir habeenimo kaga dileen cadowga 20 askari waxaana laga dhaawacay inta la hubo 15. 2. 11/1/10 Danood oo G. Doolo ah waxaa lagaga dilay cadowga 2 askari, dhawaacana lama hubo. 3. 12/1/10 Cabdiyo oo G/Dool ah waxaa cadowga lagaga dilay 4 askari, waxaana lagaga dhaawacay 2 kale. 4. 13/1/10 Ceel Buro oo Baabili u dhow, waxaa lagaga dilay cawoga inta la hubo 13 askari, waxaa lagaga dhaawacay 26 kale. 5. 13/1/10 Daara Salaam oo G/ Nogob ah waxaa cadowga lagaga dilay 5 waxaa laga dhaawacay 7 kale. 6. 13/1/10 Walwaal oo G/Doolo ah waxaa gaadmo lagaga dilay cadowga 1 askari. 7. 14/1/10 Sagag oo G/Nogob ah waxaa cadowga lagu miray habeen, Khasaare weyna waa lagu gaadhsiiyey. 8. 14/1/10 Duud Libaax oo G/Nogob ah 1 askari ayaa gaadmo lagaga dilay Cadowga. 9. 15/1/10 Huuraale oo G/ Jarar ah waxaa ciidanka cadowga lagaga dilay 6 askari, waxaa laga dhaawacay 9 kale. 10. 16/1/10 Daara Salaam oo G/Nogob ah waxaa cadowga lagu gaadhsiiyey khasaare badan oon faafaahin laga haynin dagaal mir ah. 11. 18/1/10 Baka oo G/Jarar ah waxaa cadowga lagaga dilay 15 askari, dhaawacuna waa 10 inta la og yahay. 12. 18/1/10 Sancadde oo G/Jarar ah 2 askari ayaa laga dilay cadawga 4 kalena waa laga dhaawacay. 13. 19/1/10 Bilcil Buur oo G/Jarar ah waxaa lagaga dilay cadowga 11 askari iyo tiro kale oo dhaawac ah. 14. 19/1/10 Geeri Go/an oo G/Nogob ah waa la miray cadawga khasaare weyna waa la gaadhsiiyey. 15. 20/1/10 Bilcil Buur ayaa cadawga lagu miray oo khasaare weyna laga gaadhsiiyey. 16. 20/1/10 Fiiq, askarta cadowga ayaa dhexooda iska laayey. waxay isu adeegsadeen hub cul culus,askar badana way iska dileen. Xogta sababta dagaalkooda lama helin weli. 17. 20/1/10 Kurtun oo G/Jarar ah waxaa lagaga dilay cadowga 6 askari 4 kale waa laga dhaawacay. 18. 23/1/10 Duud Ciid oo G/Qoraxay ah kolonyo ciidanka cadowga ayaa loo dhaba galay. Waxaa laga dilay askar aad u badan oo ay bakhtigoodii iyo dhaawac badan keeneen Q/Dahare. Waxaa ka socda dalka Xasuuq badan oo dhalin yarada la xasuuqayo. Gobolada Af/Dheer, Q/Dahare, Dh/Buur iyo Shabeele ayaa dhalin yaro badan laga soo xasuuqay. 950 dhalin yaradaas ah ayaa lagu soo xereeyey Shaygoosh. Halkaas oo loo diyaarinayo in meel kale looga sii qaado. Xasuuqa dhalinayarada Ogadenya ayaa la hubaa inay ku noqon doonto gumaysiga Itobiya miinooyin ku qarxa siday ugu qaraxday gumaysigii reer Yurub dhalinyaradii Afrika ay u kaxeeyeen dagaalkii 2aad ee aduunka. Tacadiyadii dadweynaha ayaa weli halkiisii ka sii socda iyadoo dad farabadan la dhigay xabsiyada lagu jidhdilo dadweynaha Ogadenya. Qaarna ay boobeen hantidoodii. Waxaa kaloo la soo sheegay dad shacab ah oo meela kala duwan lagu toogtay. Tafaasiisha arimahan ayaad ka maqli doontaan idaacadaha. Xigasho:ONA. Dufaan.com |
| Last Updated on Thursday, 04 February 2010 14:21 |
Wargelin Muhiin ah
-
Kasoo qayb gal mudaharaadka 17-18.12.2008
WRITTEN_BY
administrator
Mudaharaad ka dhicidoona Copenhagen
Read more...
Daawo DufaanTV
